Soomaali

Aragtida Fog iyo Diiradda Aasaaska

Tan iyo 2015, Aasaasku wuxuu ka shaqeynayay inuu xoojiyo amniga internetka iyo inuu kor u qaado fahamka kartri-darrada joogtada ee akhrinta iyo qorista (dyslexia). Waxaan ku dadaalna in dhamaan caruurta iyo dhallinyarada la siiyo fursad ay isku kalsoonadaanwaxaanana kala duwanaanshaha u aragnaa inuu yahay awood bulshada hodmimanayo. Himiladeenu waxay tahay inaan ballaarinno caadada oo aan wax ka beddelno aragtida laga leeyahay kartri-darrada joogtada ee akhrinta iyo qorista (dyslexia) iyadoo kor loo qaado caqabadaha, awoodaha iyo kartida. Waxaan aaminsanahay in qof walba uu helo fursad uu ku cabiro aqoonta qaab gaar ah, iyadoo lagu saleynayo xaaladahooda gaarka ah.

Waa Maxay Dyslexia?

Karti-darrada loo yaqaano (Dyslexia) waa cilladaha dareen-wadeyaasha maskaxda oo sababa karti-darrada akhrinta iyo qorista. Cilladaha waxaa u sabab ah maadaama maskaxda si gaar ah u maarayso wixii xog ah. Waxaa muhiim ah in la ogaado in karti-darrada noocaan ah aysan saameyn ku lahayn caqliga, waxaana inta badan dhacda in dhibanaha u yeesho karti gaar ah oo ku xaliyo dhibaatooyinka iyo karti gaar ah u ku hal-abuuro.

Jiritaanka iyo hiddaha

Ilaa boqolkiiba 8% ee dadweynaha dalka Iswiidhan ayaa karti-darrada dyslexia u dhiban. In kasta oo ay dhacdo in karti-darrada hiddaha loola xiriirin karo, , haddana qof walba oo dhiban waa qof gaar ah. Dad badan oo la dhiban karti-darrada waxay kaloo la dhiban yihiin cudurrada ADHD ama autism.

Baaritaanka iyo ogaanshada/shaacibixinta karti-darrada

Karti-darrada noocaan waxaa baara macallimiinta gaarka ah, Daaweeyaha cilladda hadalka ama Aqoonyahanka cilminafsiga/saykoolojist. Ogaanshaha/shaacibinta dhaqsida badan waa fureha lagu fahmo oona lagu taageero qofka dhiban, iyadoo la tixgelinayo kartida iyo baahidooda u gaarka ah.

Taageerada iyo Tallaabooyinka

Helista taageerada dhaqsida badan waa muhiim. Dugsigu wuxuu door muhiim ah ka ciyaaraa bixinta waxbarasho iyo tab/xilad xaaladda loola qabsiiyay, waalidiintuna waxay ku taageeri karaan iyagoo dhiirrigelinaya oo isticmaalaya aaladaha farsamada digitalka ku salaysan. Diirad- saaridda kartida iyo waxa macqul noqon karaa ee shaqsiga waxay muhiim u yihiin si loo dhiso isku-kalsoonaanta iyo in la dhiirrigeliyo waxbarashada.

Xuquuqda iyo Shuruucda

Sida hadba ku xusan sharciga dalka Iswiidhishka, dadka la dhiban kartri-darrada joogtada ee akhrinta iyo qorista waxay xaq u leeyihiin inay helaan taageero xaaladooda loola qabsiiyay, iyadoo loo eegin ogaanshaha rasmiga ee dhibaatada. Tani waxaa ka mid ah waxyaalaha waxbarasha iyo hababka dartood la isticmaalo oo loola qabsiiyay iyo in si gaar ah sare loogu qaado qaabka waxbarashada ee iyaga u gaarka ah

Håll dig uppdaterad!

Följ oss på Instagram

@prinsparetsstiftelse